Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Meertada 10-aad Ee Shirwaynaha Qurbajoogta

 

Muqdisho 28 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u daahfuray meertada 10-aad Shirwaynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka furmay dalka Turkiga.

 

Shirkan waxaa kaqeybgalaya wakiillo kala duwan oo kala socda Dowladda Federaalka ah, Qurbajoogta Soomaaliyeed oo kala yimid dunida iyo qaar kale.

 

Khudbad uu kajeediyey kulanka daahfurka waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ku dheeraaday ahmiyadda Qurbajoogta ee horumarka Soomaaliya isaga oo yiri” Qurbajoogta Soomaaliyeed waa halbowlaha horumarka Soomaaliya, iyadoo kalmoyinka lacageed, maalgeshiyada iyo ganacsiyada aad gudaha dalka ka sameyseen iyo weliba u qareemiddiina ay lagama maarmaan u ahayd ka samotabixinta dalka hooyo iyo dadkaba waqtiyadii adkaa. Kaqeybgalkiina dib u dhiska dalka iyo dowladnimada ee burburkii kadib waa arrin lagu faano, oo tusaale u noqon doona dalalka iyo dadyowga kale ee aduunka”.

 

Arrimaha kale uu ka hadlay waxaa ka mid ah: Guulaha dibadda sida kubiirista Bulshada Bariga Afrika, Ku fariishada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

 

“Dalka gudahiisa, Waxaynu sameynay guulo la taaban karo oo dhanka amniga ah, iyadoo ciidamada geesiyaasha qaran oo kaashanaya bulshada deegaannada kala duwan ay xoreeyeen degmooyin badan oo ay heysteen Nabad-diidka Al-Shabaab, deegaannadaasi oo maanta heysta nabad, bulshadiina ay dib ugu noqotay oo horumar uu ka jiro lagana fuliyey mashaariic iyo adeegyada bulshada iyo adeegyada horumarinta ee ay iska kaashadeen labada heer dowladeed waxaa barbar socday dadaalada Qurbajoogta ee Maalgeshiga iyadoo ay tahay wax lagu farxo in degmooyinkaas la xoreeyay ay qurbjoogta maalgashadeen, kana fureen Hoteello, goobo ganacsi oo waaweyn, Garoon Diyaaradeed iyo horumar kale, waxaan idinku dhiirigelinayaa in aad sii labo-jibaartaan”. ayuu intaasi raaciyey.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh waxaa uu dhalinyarada Qurbajoogta ka dalbaday in ay dalkooda keenaan khibradaha iyo aqoonta isaga oo yiri “Maanta, Waxaan la hadlayaa Dhalinyarada Qurbaha kunool, waxaa tihiin mustaqbalka dalkeenna, aqoonta iyo khibradaha aad dalalka dibadda ka barataan kula soo noqda dalkiina, keliya booqasho ma aha, ee waa in aad awooddiina, caqligiina, hal-abuurkiina iyo aragtidiina aad ku maalgelisaan qaran dhiska oo si wadajir ah aan uga shaqeyno helidda dalka oo guuleystay iyo dhalinyarada oo hormuud ka noqda kana tilmaaman fagaarayaasha caalamka”.