Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Wadajirka Bulshada

 

Muqdisho 23 Sep 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa qabatay Kulan ku saabsan Wadajirka Bulshada, Kalsooni Dhisidda, Xoojinta Caddaaladda iyo Amniga ee deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta.

 

Kulankaan oo qayb ka ah dedaallada Arrimaha Xasilinta oo ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xassan.