Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha Ee Wasaaradda

 

Muqdisho 23 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dardargalinta dedaallada Dowladda ee Dowladaha Hoose, Nabad Dhiska, Dib-u-heshiisiinta iyo arrimaha Xalalka Waara.