Wasiir Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Howlwadeennada Dowladaha Hoose

 

Muqdisho 22 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa warbixin ka dhagaystay howlwadeennada Dowladaha Hoose iyo Xasilinta ee Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo howlaha socda ee la xiriira arrimaha Dowladaha hoose iyo Arrimaha Xasilinta ee deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta.