Ra’iisul Wasaare Xamze Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

 

Muqdisho 10 Sep 2024; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee dhawaan la banneeyay.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in muddo 34 sano ka dib ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku shaqayn doonto Xarunteeda rasmiga ah.