Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Madasha Arrimaha Bini’aadminimada

 

Muqdisho 03 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo kaqeybgalaya shirka joogtada ah ee Madasha Arrimaha Banii’aadnimada ayaa khudbad uu kajeediyey uga hadlay ujeedada shirka isaga oo yiri” Shirkan joogtada ah ee Madasha Arrimaha Banii’aadnimada oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed waa madal muhiim ah oo laga xog bixiyo, la iskana wareysto Xaaladda Banii’aadnimo ee dalka sida baahiyaha jira iyo Kajawaabistooda”.

 

“SoDMA waa hey’ad u xilsaaran maareynta musiibooyinka ka dhasha isbadalka cimilada, waa hey’adda aan kula tacaalnay dhammaan xakameynta khatarihii jiray sida; Abaarta,  Fatahaadaha arrimo kale, laguna badbaadiyey malaayiin wajahayey cunnoyari, hoy la’aan iyo arrimo kale. Si wax looga qabto howlahaasi baaxadda leh, hey’addu waxaa ay u baahantahay gacanta dhammaan saamileyda iyo in laga warqabo xaaladda, la iskana kaashado” ayuu intaasi raaciyey.

 

Mudane Cali Xoosh waxaa uu xusay dhibaatooyinka isbadalka cimilada isaga oo xaqiijiyay in Wasaaradda ay SoDMA ku gacan qabaneyso gudashada waajibkeeda “Isbadalka Cimillada waxaa ay dalka u keentaa labo halis oo joogta ah; Abaar ama Fatahaad, kuwaas oo u baahan in loo helo xalwaara. Waa in la helaa hannaanno ay ka mid yihiin; Wacyigelin, dhismaha Kaabayaasha looga badbaadi karo khataraha iyo xoojinta nidaamka adkeysiga.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ay Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka ku gacansiisaa gudashada waajibaadka qaran iyada oo ugu qareenka goor iyo goob  walba, waxaan sidoo kale bogaadinnaa dadaallada ay hoggaamiso ee lagu samatabixinayo dadka”.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Yuusuf Cali waxaa ku booriyey in shirka looga faa’ideysto wadashaqeyn “Madasha oo kale waxaa loo faa’ideystaa in ay isku arkaan dhammaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya howlaha Banaa’aadnimada, ayna isla meel dhigaan iskudubbaridka iyo in si waxtar leh looga jawaaabto baahida Banii’aadnimo”.