Wasiir Cali Xoosh Oo Daahfuray Mashruuca Dowladaha Hoose Ee STRONG

 

Muqdisho 01 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa ku daahfuray caasimadda Muqdisho “Mashruuca Xoojinta iyo Dimoqoraadiyeynta Dowladaha Hoose”, kaasi oo ay ka qeybgaleen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedka mashruuca isaga oo yiri “ waa mashruuc ujeedkiisu yahay taageeridda dhismaha goleyaal degaan, kaasi oo ay qeyb ka yihiin; Dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo xoojinta adeeg bixinta dowladaha hoose si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada asaasiga ah sida ; Waxbarashada iyo  Cafimaadka”.

 

“Wasaaradda oo kaashaneysa Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo maamulka Khaatumo, waxaa ka go’an daadejinta awoodda iyo dhismaha goleyaasha deegaanka iyada oo loo marayo si waafaqsan shuruucda dalka, hannaan Cadaalad bulsho iyo Dhab u heshiisiin, lana hubinayo in loo dhanyahay, in si Dimoqoraadi ah loo doorto matalayaasha shacabka” ayuu intaa raaciyey.

 

Wasiir Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xusay in Wasaaraddiisu ay gudbisay shuruucda Doorashooyinka kuwaas oo awoodsiinaya shacabka Soomaaliyeed, oo ay qof iyo cod ku dooran doonaan madaxda heerarka kala duwan, taasi oo xoojin doonta isla xisaabtan iyo hufnaanta.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan oo ka hadlay Daahfurka Mashruuca Xoojinta iyo Dimuqraadiyadeynta Dowladaha Hoose (STRONG) ayaa sheegay in Mashruucaan uu Dowladaha Hoose wax badan ka tari doono, gaar ahaan dhanka tayeynta iyo baahinta awoodaha.

 

Aagaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Haweenka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo ka hadlay Daahfurka Mashruuca Xoojinta iyo Dimuqraadiyadeynta Dowladaha Hoose STRONG ayaa tibaaxay in ahmiyad gaar ah la siiyo ka qaybgalka haweenka ee Dowlad Dhiska dalka, gaar ahaan arrimaha Dowladaha Hoose ee dalka.

 

Isu-duwaha Dowladaha Hoos ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Axmed Faarax ayaa ka qaybglayaasha Daahfurka Mashruuca Xoojinta iyo Dimuqraadiyadeynta la wadaagay waxyaabaha laga bartay dhismayaasha Golayaasha Deegaanka.

 

Isu Duwaha Mashruuca Xoojinta iyo Dimuqraadiyadeynta Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Ashkir ayaa ka qaybgalayaasha Daahfurka Mashruuca u sharxay waxyaabaha uu diiradda saarayo mashruucaan iyo sida uu udub dhexaadka ugu yahay Goloyaasha Deegaanka.

 

Ms. Piya Itkonen oo ah ku simaha Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya oo ka hadashay Daahfurka Mashruuca Xoojinta iyo Dimuqraadiyadeynta Dowladaha Hoose ee Strong project ayaa bidhaamisay waxyaabaha uu mashruucaan muhiimka u yahay.