Muqdisho 26 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Waaaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa hortagay Guddiga Xaqiiq Raadinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Hanti Isu Celinta ee Golaha Shacabka JFS.
Wasiir Cali Xoosh ayaa mid mid uga falceliyay Waydiimaha Xubnaha Xildhibaannada ee Guddiga, isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee dhanka Dib-u-heshiinta iyo Guulaha laga gaaray.
Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiq Raadinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Hanti Isu Celinta Golaha Shacabka Dr. Axmed Aadan Axmed iyo Xubnaha Guddiga ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS sida faahfaahsan ee uu uga falceliyay waydiimaha xildhibaannada ee ku aaddan Dib-u-heshiisiinta.