Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda IGAD

 

Muqdisho 25 Aug 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta JFS Mudane Caydaruus Macalin Xasan, ayaa ku qaabilay xafiiska Wasaaradda wafdi ka socday IGAD Xafiiska Soomaaliya.

 

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd sidii layskaga kaashan lahaa Dowlad wanaaga, xal u helida khilaafaadka, Nabad-dhiska iyo Xasilinta Sidoo kale in lawadaago howlaha hortabinta u leh gobalka.

 

Ugu dambayntii waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda iyo IGAD Soomaaliya.