Muqdisho 24 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Dalka.
Inta uu kulanka socday Agaasimayaasha Guud ayaa warbixin ku aaddan howlaha Wasaaradaha siiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh.
Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay waxqabadka dedaallada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada ayaa kula dardarmaayo in la dardargaliyo arrimaha ku aaddan Dowlaad dhiska iyo Maamul Daadajinta si Ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada Dowladda.