Wasiir Cali Xoosh Oo Goobjoog Ka Noqday Heshiiska NIRA iyo SBA

 

Muqdisho 25 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka iyo midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

 

Khudbad kooban oo uu halkaas kajeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa waxaa uu sheegay in nidaamkan Aqoonsiga Qaranku uu gundhig u yahay xoojinta maamul-wanaagga iyo horumarinta bixinta adeegyada guud ee Soomaaliya.

 

“Waxa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ka go’an inay si buuxda ugu taageerto Hay’adda NIRA hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo gaarsiinta dhammaan gobollada dalka” ayuu intaasi raaciyey.

 

Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si gaar uga mahadceliyey ururka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed (SBA) ayaa waxaa uu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey “Nidaamka Aqoonsiga Qaranka waxa uu door muhiim ah ka ciyaari doonaa horumarinta tiknoolajiyadda iyo in adeegyada si dhijitaal ah loo bixiyo (Digitalization of Services), taasoo la jaanqaadaysa isbeddellada casriga.