Kulanka Xasilinta Ee Hirshabelle

 

Muqdisho 21 Aug 2024; Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey Kulanka Xasilinta Hirshabelle iyada oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen.

 

Khudbaddiisa, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga horrayn bogaadiyay dedaallada Shacabka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ku aaddan Dib-u-xoraynta isagoo yiri “ Dowlad Goboleedka Hirshabelle waa deegaannadii ugu horeeyay ee ku dhiiraday ladagaalanka Nabad-diidka Khawaarijta, guulana ka gaaray iyada bulshada deegaannadaasi kunool ay dhiiggooda u hureen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen Argigixisada, iyaga oo garab weyn ka helay geesiyaasha ciidamada xoogga dalka. Deegaannadaasi oo tusaale noqotay halganka, waxaa ay fursad u heleen in laga hirgeliyo Xasillin sida; gargaarka , sookabashada degdegga ah, dowlad dhiska iyo horumarinta. Maanta waxaa ay naaloonayaan neecowda dowladnimida iyada oo dhallaan badan ay heleen adeeg waxbarasho, caafimmaadba iyo qaar kale”.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ka warbixin kooban ka siiyay ka qaybgalayaasha Kulanka socdaallo uu ku tagay deegannada dhawaan la tagay isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yiri “Waxaan dhowaan booqday Buulo-xaaji oo Jubbaland ah iyo Marko oo Koonfur Galbeed ah aniga oo dhageystay maamulka iyo dadka deegaanka, deegaannadaasi waxaan kusoo arkay baahida ay dadku u qabaan dowladnimada iyo haddii la iskaashado isbadallada dhici kara, waxaanna sii wadi doonnaa safarrada aan ku tagayo gobollada dalka.”

 

Ugu Dambayn, Wasiir Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay saaxibada Caalamiga ah dedaallada ay ku bixiyeen arrimaha Xasilinta isagoo yiri” Waxaa markale u mahadcelinayaa deeqbixiyayaasha iyo ha’yadaha caalimiga ee nagala shaqeeya dadaalada xasilinta iyo hawlwadeenadooda oo had iyo jeer nala garab taagan kaalmo wax ku ool ah.”