Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Astaynta Awoodaha

 

Muqdisho 17-18 Aug 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa qabatay Kulanka Soo Bandhigista Nuqulka ugu dambeeya ee Furfurista Astaynta Awoodaha.

 

Sidoo kale Kulanka ayaa lagu Daahfuray Wajiga Xiga ee Furfurista Astaynta Awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda.

 

Kulanka oo socday muddo labo maalin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay khubaro ka kala socda Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.