Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Kulanka Kaabayaasha Aqoonsiga

 

Muqdisho 17 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa shir diiradda lagu saarayo qiimeynta qaab-dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda NIRA.

 

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Shirka ayaa ugu horrayn bogadiyay arrimaha Dib-u-habaynta Aqoonsiga isagoo yiri “Waxaan bogaadinayaa horumarrada NIRA ay sanadkii tagay ka sameysay Dib u habeynta habkaan Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Dowladda Federaalka ah waxaa hortabin u leh in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed iyo qof kasta oo deggan Jamhuuriyadda uu helo nidaam aqoonsi sharci ah si loo gaarsiiyo adeegyada kala duwan, Tallaabadaas oo qeyb ka ah yoolka  UN Sustainable Development Goal (SDG) Lamber 16.9, taasi oo dadka oo dhan loogu helayo Aqoonsi Sharci ah.”

 

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ay xoojinayso arrimaha Diiwaangalinta iyo shaqada, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go’an in NIRA ay ku taageerto fulinta Hannaanka Diiwaangelinta Qaran dalka dhan. Waxaanna howlaha aan kala shaqeyn doonno ka mid ah in aan cidna laga tagin”

 

Shirka uu joogay Maareeyaha Hay’adda Mudane Cabdiwali Timacadde ayaa Mudada uu socday waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.