Wasiir Ashkir Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda UNDP

 

Muqdisho 13 Aug 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta XFS Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta Magaalada Mogadishu, waxuu kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimeynta hirgelinta aqoonsiga Danabeysan ee sharciga ah la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNDP oo maalmahan wadanka u joogay ineey qiimayn guud ku sameeyaan hirgelinta Aqoonsiga Danabeysan Sharciga ah. Intii kulanku socday ayaa Wasiirku waxuu la wadaagay waftiga hormarka illaa hadda laga gaaray hirgelinta aqoonsiga Danabeysan ee Sharciga ah iyo sida ay uga go,antahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta Aqoonsi Danabeysan ee Sharciga ah oo loodhan yahay iyo muhiimadda ay leeyahay in la helo Aqoonsiga dadwaynaha.

 

Sidoo kale Wasiirka, ayaa boogaadiyey taageerada ay Hay’adda UNDP lagarab taagan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta Aqoonsiga Danabeysan ee Sharciga ah. Waftiga ayaa sidoo kale wasiirka la wadaagay sida ay uga go,an tahay Hay’adda UNDP inay Soomaaliya ka taageerto hirgelinta Aqoonsiga Danabeysan ee Sharciga ah si loo gaaro himilooyinka ku xusan Jaantuska Qaran (National Development Plan NDP9).