Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Lagu Soo Bandhigay Hindise Sharciyeedka Maaraynta Musiibooyinka

 

Muqdisho 13 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa loogu soo bandhigay Hindise Sharciyeed la xiriira maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah kaas oo la rabo in la gudbiyo.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa goob joog ka ahaa shirka lagu bandhigay hindise sharciyeedka.