Wasiir Xoosh Oo Kulan La Qaatay Howlwadeennada Dib-u-heshiisiinta

 

Muqdisho 11 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay waaxda dib-u-heshiisiinta iyo nabad dhiska ee Wasaaradda oo uu kala hadlay istaraatiijiyadda hirgelinta shanta sano ee qaab-dhismeedka dib-u-heshiisiinta Qaranka.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in la qaato hababka dhexdhexaadinta Soomaalida ee soo jireenka ah iyo mabaadiida casriga ah ee dib u heshiisiinta, si wax looga qabto khilaafaadka soo wajaha bulshada Soomaaliyeed.