Muqdisho 10 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Ayaa kulan sagootin iyo xogwareysi ah la qaatey Madaxa hey’adda IOM ee xilka kasii dagaya Mr. Frantz Celestin. Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadcelisay Mudane Celestin dadaalka uu u galay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed intii uu maamulayey xafiiska IOM.