Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Yeeshay Waxgaradka Reer Awdal

 

Muqdisho 10 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula yeeshay kulan kala warqaadasho iyo xog wareysi ah la yeeshay Odeyaasha dhaqanka Awdal oo soo gaaray caasimadda Muqdisho iyo Siyaasiyiinta kumatasha goleyaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Odeyaasha dhaqanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha uga warbixiyey xaaladda dadka iyo deegaanka Awdal iyagoo oo muujiyay jacaylka ay ku hayaan dowladnimada Soomaaliya.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa qeybaha bulshada ee Awdal ku ammaanay Wadaniyadda iyo sida ay mar weliba u difaacaan dalka iyo dadka, waxaana uuna adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay garab istaagga reer Awdal iyo dhiirigelinta iskuheynta dalka iyo midnimada bulsho iyo mid dhuleed.