Muqdisho 29 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo agaasimeyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Khaatumo State ee ka qeybgalay Madasha Iskuduwidda Xasillinta dalka.
Cashada waxaa kale oo qeyb ka ahaa Guddomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Maareeyaha hey’adda NIRA, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.