Muqdisho 29 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macallin ayaa guddoomiyey kulanka joogtada ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.
Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer federaal ee ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye iyo xubnaha guddigaba ay ka warbixiyeen baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka guddiga ee lixdii bil ee lasoo dhaafay.
Wasiir Xasan Macallin, oo ka hadlay Kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo carabka ku adkeeyey in ay heer Wasiir garab taagan yihiin. Wasiirka ayaa adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha warbaahineed iyo wacyigalinta deegaanada Cadowga Khawaarijta laga xorreeyay iyo in sidoo kale ay xafiisyada warbaahineed ee dowladda yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed.