Muqdisho 29 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa furay Kulanka isku xirka iyo qorsheynta xasilinta Jubbaland oo ay ka soo qeyb galeen wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamka.