Muqdisho 24 Jul 2024; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa maanta guddoomiyay shir heer wasiirro ah oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro ka tirsan XFS oo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh). Shirka oo lagu falanqeeyay arrimaha Xasillinta ayaa looga hadlay qorshaha xasillinta Dowladda ee deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta.