Nairobi 23 Jul 2024; Waxaa lasoo gabogabeeyey Shirka diyaarinta qorshaha 5ta sano ee hirgelinta Hanaanka Dhab u heshiisinta Qaran 2025-20129, kaas oo socdey 17-24kii July 2024.
Shirkaan oo ay garwadeen ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta (WAGF&D) – DFS, waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo Khubarro ka Kala socotay Xafiiska Ra’isul. Wasaaraha, WAGF&D, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banadir iyo Khubarro ka socotay Hay’adaha ka shaqeeya Nabadeynta iyo Dib u heshiisinta.
Intii uu socday Shirka diyaarinta qorshaha 5ta sano ee Hanaanka Dhab u heshiisinta Qaran, waxaa lagu gorfeeyey ummuuraha la xiriira nabadda, dedaallada heshiinta, xasilinta, xallinta khilaafyada dalka ka taagan iyo qaar kale.
Waxaa kale oo la isla qaatay talooyin ay ka mid ahaayeen; dhamaystirka iyo bandhigidda Qabya-Qoraalka shanta sano Ee hirgalinta Hanaanka Dhab u heshiisinta, Sameynta siyaadadda qaran ee dhulka, dhismaha guddiga qaran ee runta, daadejinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaran iyo arrimo kale.