Muqdisho 21 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay khubarada sharciga ee Wasaaradda. Kulankaan inta uu socday waxaa lagu falanqeeyey shuruucda doorashada, gaar ahaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.