Madasha Wax Ka Barashada Dedaallada Xasilinta Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb

 

Dhuusamareeb 03 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug Mudane Cabdi Maxamed jaamac (Cabdiwaayeel) ayaa furay Shirka Madasha wax ka barashada Dadaalada Xasilinta iyo Soo kabashada degdegga ah ee Deegaanada la xoreeyay oo maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug.

 

Shirkaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro katirsan Galmudug, Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Gobolka Banaadir, Agaasimiyaal Guud ee katirsan wasaaraddaha Galmudug, Iyo hay’adaha taageera Xasilinta.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay shaqooyin kala duwan oo laga qabtay Arrimaha Xaaillinta.