Wasiir Cali Xoosh Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

 

Kismaayo, 22 Jun 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta socdaal shaqo ku gaaray magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Mudane Wasiir Xoosh, waxaa soo dhoweyn ugu sameeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka iyo bulshada Jubbaland isaga oo inta uu halkaasi joogay la kulmi doona madaxda Jubbalnd iyo qeybaha bulshada.