Xuska Munaasabadda 26 Juun

 

Muqdisho 26 Jun 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha qaran ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane oo khudbad ka jeediyey Munaasibada Dabaaldaga 26-ka juun ayaa ugu horayn Ummada Soomaliyeed ugu hambalyeeyey Xuska 64 guurada kasoo wareegtay Maalinta Xornimada Gobolada Waqooyi ee 26-Juun.

 

Wasiirka ayaa bogaadiyey in Halgamayaashii Soomaliyeed ay mudan yihiin in la xasuusto isaga oo yiri “Qof kasta oo halganka Xornimada dalka qeyb ka ahaa wuxuu innaga mudan yahay xus iyo xusuus, iyaga oo jideeyay nafhurnimo iyo difaaca isirka Soomaaliyeed”.

 

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Cali oo ka hadlay munaasabadda 64 guurada 26-ka June ayaa sheegay in maamulkiisa ay gaartay adeegga dowladnimada Soomaaliya isaga oo adkeeyey midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac oo ka hadlay Munaasabadda ayaa yiri “Waxaan doorka wayn ka qaadan doonna midnimada dalka, annaga iyo inta maqan waa in harsanno calanka Baluugga ah”.

 

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay Munaasabadda ayaa yiri “Muhiimad wayn ayey leedahey in la xuso sidoo kalena la wayneeyo halgamayaashi dalka naftooda usoo hurey, Maalmaha qarana la xuso”.

 

Ugu dambayn, Madaxwaynaha JFS Dr. Xasan Shiekh Maxamuud ayaa soo xiray Munaasabadda isagoo ku dheeraday muhiimadda midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa bogaadiyay doorka Gobollada waqooyi ee ku aaddan Xornimada dalka, gaar ahaan Munaasabadda 26 Juun.