Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda

 


Muqdisho 24 Jun 2024;
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hey’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa lagu meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadda.