Jubbaland 23 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo safar shaqo kujooga Jubbaland ayaa booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Shabaab isaga oo la hadlay Hay’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.
Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida; Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Xoosh oo hadlay ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee deegaanka ka socda sida; Amniga, Nabadda iyo Xasiloonida isaga u mahadceliyey geesiyaasha ciidamada qalabka sida, isla markaana carabka ku adkeeyey in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka iskaashan doonaan sidii Xasillin iyo Adeegyo kala duwan looga hirgelin lahaa halkaasi iyo meel walba oo laga kiciyo Khawaarijta.
“Deegaankaan muddada gacan ku heynta Khawaarijta waxaa ay dhaxalsiisay in aaney jirin oo adeeg bulsho sida; Waxbarasho, Caafimaad, Leyrar iyo qaar kale. Waxaa farriintaan kula laabanayaa caasimaddii, Dowladda Federaalka iyo Saxiibada Caalamka, waxaanna Dib usoo celin doonna noloshii iyo horumarka ay ku taamayaan reer Buulo Xaaji” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh).
Buulo Xaaji waxaa ay Khawaarijtu heysteen 16 sano, taasi oo saddex todobaad kahor ay soo afjareen geesiyaasha xoogga dalka, weliba kusoo baacsanaya deegaanno kale. Tallaabadan ayaa u gogol xaareysa in deegaankaasi uu helo adeegyada dowladnimada.