Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Ololaha U Hiilli Qaranka

 

Muqdisho 22 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ahna guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa Tiyaaterka qaranka uga qeybgalay “Ololaha Hooyo u hiili Qaranka”.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalmahan xoriyadda uu dalkeennu ku jiro ladagaalanka Khawaarijta, ayna jiraan damac shisheeye, waxaana uuna bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Wasiir Cali Yuusuf Xoosh waxaa uu dhanka kale sheegay in hooyada Soomaaliyeed ay sharfantahay, isaga carabka ku dhuftay baahida loo qabo dhiirigelintooda iyo in ay furimaha tagaan.