Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xoriyadda

 

Muqdisho 19 Jun 2024; Iyada oo ay nagu soo fool-leeyihiin todobaadka xoriyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo, kaasi uu guddoomiyo Wasiirka Wasaaradda mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

 

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’adaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan, kaalinta hey’adaha kala duwan, bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.