Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Qiimaynta Waxyeellada Duufaantii EL-NINO

 

Muqdisho 11 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa khudbad kajeediyey munaasabadda Daahfurka Qiimeynta Waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashay Duufaantii El-NINO isaga oo taabtay arrimo badan.

 

Mudane Xoosh ayaa kelmaddiisa waxaa uu ugu horreyn uga hadlay daahfurka qiimeyntan isaga oo yiri “Daahfurkan maanta Wabixintan oo ah mid dhameystiran qiimeynta waxyeellada iyo khasaaraha El-Nino iyo xilli roobaadkii deyrta ee 2023-ka waa tallaabo muhiim ah, waana in dhammaan hay’adaha dowladda heerarkooda kala duwan ay ka wadashaqeeyaan fulinta iyo ka guul-gaarista talooyinka iyo xogaha ku jira”

 

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda SoDMA, waxaa naga go’an inaan kala shaqayn doonno maamul goboleedyada ilaa heer tuulo in ay fududeeyaan isla markaana kaalin mug leh ka qaataan ka guul keenista fulinta warbixintan iyo talooyinka ay xambaarsantahay” ayuu intaasi raaciyay.

 

Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu u mahadceliyey saxiibada Beesha Caalamka “Ugu dambeyn, Waxaan u mahadcelinayaa saxiibada caalamiga iyo hey’adaha gargaarka beesha caalamka sida ay mar weliba gacan uga geystaan howlaha Banii’aadnimada, aniga oo ugu baaqaya in si dhow ula shaqeeysaan hey’adaha ku lugta leh howshan,  si loo dhiso karaanka iyo awoodaha u adkeysiga musiibooyinka kusoo noqonoqda dalka Soomaaliyeed”.