Muqdisho 04 Jun 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska ee Hay’adda FCASomalia Berhanu Hail. Kulanka ayaa si gaar ah loogu fallanqeeyay Arrimaha Dowladaha hoose, Maadaama Dowladaha hoose ay Gundhig ku yihiin Dowladnimada dalka iyo adeeg bixinta.