Muqdisho 02 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka guddiga oo ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah, hey’adaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Inta uu kulanku socday ayaa qeybo ka mid ah guddigu, waxaa ay soo bandhigeen qorshahooda iyo kaalinta ay ka qaadanayaan maalmaha qaranka.