Muqdisho 25 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ah guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda iyo Midninada ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo ayaa shir guddoomiyey kulankooda 1-aad.
Guddigan oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu gaboon ee loo fulin karo.