Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Qorshaha Isbadalka Qaranka

 

Muqdisho 22 May 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa ka qaybgalay daahfurka “Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo uu daahfurey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre

 

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) waxa uu tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna.

 

Ugu Dambayn, Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) waxa uu beddelayaa Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), qorshahaan cusub ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.