wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Shirwaynaha Qaran Ee Hirgalinta Ballanqaadyadii Dowladda 2019 Ee Qaxootiga Adduunka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

 

Muqdisho 20-22 May; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa Daah-furaya Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Aduunka 2019.

 

Shirkaan oo heerkiisu sarreeyo oo ay soo agaasintay Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa lagu falan-qeeyay balanqaadyadii dowladda Soomaaliya ee madasha qaxootiga aduunka oo la qabtey sanadkii 2019, balaqaadyadaas oo ay ugu muhiimsanaayeen barakicinta khasabka ah, kuwa soo guryo noqda iyo qaxootiga

.

Ugu Dambayn, Shirkaan oo socday Muddo Seddex maalin ah ayaa waxaa soo xiray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow, waxaana kasoo qayb galey Heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marti kasocota dowlad Goboleedyada, hay’adaha maxaliga ah ee u dooda barakacayaasha iyo qaxootiga, deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha caalimiga ah sida kuwa qaramada midoobay ee UNHCR iyo UNICEF ee gacanta ka gaysta caawinta qaxootiyada iyo barakacayaasha.