Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Soo Bandhigay Degmooyin Cusub

 

Muqdisho 19 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa ugu qeybgalay aqalka Dowladda hoose ee Xamar casho sharaf ay soo agaasimeen maamulka gobolka Banaadir.

 

Waxaa kale oo munaasabadda ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka ah, Xildhibaanno, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar kale.

 

Ugu Dambayn, Munaasabadda ayaa lagu soo Bandhigay sadex degmo cusub oo kusoo biiray degmooyinka Gobolka Banaadir, degmooyinka cusub ayaa kala ah; Garasbaaley, Gubadley iyo Daarusalaam.