Muqdisho 16 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay dood cilmiyeed ku saabsan “Ka hortagga Tabaha Khawaarijta ee Hurinta Colaadaha Dhexmara Beelaha”
Kulankan oo uu qeyb ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Mukhtaar Roobow ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa qeybaha odeyaasha dhaqanka iyo culimada.
Kulankan oo ay soo wada qaban qaabiyeen wasaaradaha ayaa lagu falanqeeyey doorka culimada, odeyaasha iyo guud ahaan waxgaradka ee kahortagga colaadaha ay huriyaan Khawaarijta.