Wasiir Cali Xoosh Oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka

 

Muqdisho 13 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Airport ee Muqdisho kusoo Dhaweeyay Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka oo Kala ah; Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland.

 

Ugu Horrayn Wasiir Cali Xoosh ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isagoo Madaxwaynaha Galmudug ka mahadceliyay Soo dhawaynta.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

 

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ( Madoobe), iyadoo Munaasabadda soo dhawaynta ah ee Madaxda Dowlad Goboleedyada ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid Wasiirrada XFS iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.