Wasiir Cali Xoosh Oo Casuumay Warbaahinta Dalka

 

Muqdisho 12 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Caasumaad ballaaran u fidiyey Milkiileyaasha iyo Agaasimeyaasha kala duwan ee Warbaahinta, kuwaas oo isugu jira warbaahinta madaxannaan, kuwa caalamiga iyo warbaahinta Dowladda.

 

Kulanka Casuumaada ayaa daaranaa isbarasho iyo kala warqaadasho warbaahinta iyo wasiirka.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macalin Xassan, Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka (NIRA), mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) marwo Safiyo Maxamed Xasan.

 

Ugu horayn Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyey warbaahinta shaqada wanaagsan ay dadka u hayaan isaga oo sheegay “Waxaan bogaadinayaa Shaqada wanaagsan aad dadka u haysaan, Warbaahinta madaxabannaan in aan la kulano oo isbarano fursad wayn ayey ii tahey, madaama wasaaradda arimaha gudaha ay horyaalaan shaqooyin qarankaan muhiim u ah oo wasaaraddu hoggaan u tahey”.

 

Mudane Cali Xoosh ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay howlaha hortabinta u leh Wasaaradda sida Doorashooyinka, Federaaleynta, Dad-dhigista, Dhab u heshiisiinta, Xasillinta. Diiwaangelinta Dadweynaha, Xalka waara iyo la tacaalista abaaraha kuwaas oo uu sheegay in ay warbaahinta kaalin Weyn ka qaadan karaan.

 

Ugu danbayn, wasiir Cali Xoosh ayaa xoojiyey sida ay uga go’an tahey in uu saaxiib dhow la noqdo warbaahinta “waxaa iga go’an in aan warbaahinta ka dhigto Saaxiib dhow, waan ogahey duruufaha aad kusoo shaqayseen waxaan rajayn in aad halkaas kasii wadaan”.