Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyey Kulanka Agaasimayaasha Waaxyaaha Wasaaradda

 

Muqdisho, 11 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka agaasime waaxeedyada Wasaaradda. Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa looga hadlay ajendeyaal ay ka mid yihiin; Fulinta ballanqaadyada Wasaaradda, ku shaqeynta E-MOIFAR iyo arrimo kale.

 

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyey agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan dardargelinta howlaha, hufnaanta, isla xisaabtanka iyo in degdeg loo fuliyo ballanqaadyada hortabinta leh ee Wasaaradda.