Wasiir Cali Xoosh Oo Soo Bandhigay Warbixinta Xalaadda Fatahaadaha

 

Muqdisho 08 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta gurmadka degdegga ah SoDMA loogu soo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladda fatahaadaha dalka, isaga oo ka dhageystay howlwadeennada hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

 

Bandhigga kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladdaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman lahayd noloshooda iyo hantidooda, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ee deggan webiyada Jiinkooda iyo togoggada ku adkeeyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha digniinta ah iyo talooyinka ka imaanaya khubarada Hey’adda SoDMA.

 

Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.