Muqdisho 08 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caasimadda Muqdisho ku daahfuray Kulanka Wadatashiga Dowlad Goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga.
Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga(SNID).
Kulankaan Wadatashiga ah ayaa waxaa soo agaasimay Hay’adda NIRA, iyadoo ay kasoo qaybgaleen Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo SSC Khaatumo.