Wasiir Ashkir Oo Ka Qaybgalay Kulanka Dowladda Iyo USAID

 

 

Muqdisho, 06 May 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa ka qeybgalay kulanka USAID iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan barnaamijyada ka socda dalka ee la xiriira gaar ahaan; Dowladaha Hoose, Daadejinta adeegyada, Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

 

Labada dhinac ayaa qiimeyn ku sameyay mashaariicda socota, hortabinnada, hirgelinta iyada oo USAID iyo Dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen sida au uga go’an tahay in ay horumariyaan himilooyinka horumarineed ee wadajirka ah.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay habka cusub ee USAID iyo Dowladda iyada oo si khaas loo dul istaagayo shaqada Wasaaradda.