Muqdisho 06 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Caasha Cismaan Hilowle oo katirsan waaxda warbaahinta iyo Lafalgalka dadwaynaha oo lagu abaal mariyey shaqo wanaag ay kusoo bandhigtey Hanaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa muddooyinkii dambe sii dardargalisay dhiirragalinta howlwadeennada Wasaaradda ee ku sifooba shaqo wanaagga.