Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Daahfuray Geeddi Socodka Hirgalinta Dhab-u-heshiisiinta Qaran

 

Muqdisho, 30 April 2024; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Geeddi Socodka Hirgalinta Hannaanka Dhab U Heshiisiinta Qaran ayaa ku dheeraadey muhiimada uu leeyahey Hirgalinta Hannaanka Dhab U Heshiisiinta Qaran.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaay in Dhaqanka umadda soomaaliyeed ku suntan yahay u geed fadhiisiga iyo gorfeynta dedaalada nabadeed iyo xal ka gaarista colaadaha bulshada dhexdeeda ah waxaana astaan u ahaa (Aan wada hadalno waa aan heshiino).

 

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa bogaadiyey dedaalada nabadeed ee wadanka ka socda isaga oo yiri “Waxaan rabaa inaan halkaan ka bogaadiyo dhaqamo kasoo cusbaanaday Gobollada qaar oo ah in Geel laka dhacay 30 sano ka hor laysu celiyo, tani waxay muhiim u tahay hirgalinta Dhab-u-heshiinta’’ RW Xamza Cabdi Barre.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo khudbad ka jeediyey kulanka daahfurka Geeddi Socodka Hirgalinta Hannaanka Dhab U Heshiisiinta Qaran ayaa ka hadlay ahmiyadda dowladda ee nabadda isaga oo yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta kowaad siineysaa dardar-gelinta dadaaladda Nabadeynta iyo Hirgalinta Qorshaha Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran sida ku cad Tiirka saddaxaad ee xukuumadda Dan-Qaran ( Soomaali Heshiis ah), iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka, NATIONAL DEVELOPMENT PLAN (NDP-9)”.

 

Wasiir Xoosh ayaa soo qaatay hadafka Wasaaradda ee arrinkan isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yiri “Hadafka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waa in ay Soomaliya gaarsiiso Siyaasad Heshiis lagu yahay, la-wada leeyahay oo noo horseedda Nidaam Dimoqraaddi ah, oo talada loo celiyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay dadka metelaya ku doortaan QOF iyo COD, si looga guuro siyaasadda mugdiga ah ee ku saleysan musuqa”.

 

Ugu dambayn, Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir, SSC Khaatumo, Bulshada Raydka ah iyo saaxibada Caalamiga ah, iyagoona Munaasabadda ka jeediyay khudbado macno leh oo taabanaya Dib-u-heshiisiinta.