Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Tabbar U Furtay Maayaarrada Degmooyinka Dalka

 

Muqdisho, 30 April 204; Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka Iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa Muqdisho tababar uga furtay qaarka mid ah Maayarada Dowlad Goboleeyada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

 

Tabarkaan oo socon doono muddo labo maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Maayaaradda magaalooyinka; Warta-Nabadda, Warshiiq, Gaalkacyo,,  Guriceel, Beledweyne, Xudur,  iyo Kismaayo, Afmadow, Laascaanood.

 

Shirkaan ayaa ahaa mid ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS siineyso tababar hordhaca ,kahor safarka Dalka Jabaan oo ay kutagi doonaan qaarka mid ah Maayarada Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobalka Banaadir. Tababarka waxa uu diiradda saarayaa horumarinta Dowladaha Hoose, Adeeg-bixinta, dowlad wanaag, kahortagga dhibaatooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha magaalooyinka iyo sida loo maareeyo iyo adkeynta xariirka ka dhaxeeya dowladda iyo dadka.

 

Waxaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta ka go’an sidey had walba ay u kobcin laheyd aqoonta iyo xirfadaha hawlwadeenada dowladaha hoose oo ay ugu horeeyaan maayarada degmooyinka dalka.