Muqdisho, 28 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta, horumarinta dowladaha hoose iyo xasilinta Iyo arrimo kale.
Ugu Dambayn, Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Dhanka Barnaamijyada horumarinta UNDP ayaa ka mid ah Bahwadaagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.